Chelsea: Kurt Zouma lix bilood ma ciyaari karo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kurt Zouma

Ciyaaryahanka kooxda Chelsea uga dheela difaaca Kurt Zouma ayaa lix bilood ka maqnaan doona ciyaaraha wuxuuna u baahanyahay qaliin kaddib markii uu jilibka ka dhaawacmay Aadii.

21 jirka ayaa si qaabdaran u soo dhacay kaddib markii uu isku dayay in uu difaaco kubad joog sare ku socota waxaana laga qaaday dhulka oo uu xataa awoodi waayay in uu cagahiisa ku baxo.

Zouma wuxuu ku dhaawacmay ciyaartii xiisaha lahayd ee dhexmartay Manchester United iyo Chelsea oo ku dhamaatay hal iyo hal barbaro ah.

Zouma ayaa Twitterkiisa ku soo qoray in baadhitaanadii caafimaad ee lagu sameeyay ay muujinayaan in aan qaliin u baahanahay sidaas daraadeed todobaadkanuu qaliin galayo uuna soo laabandoono doonaa isaga oo sida uu hadda ahaa ka sii fiican.

Kooxdiisa Chelsea ayaa saddex wakhtiga uu ciyaaraha ka maqnaanayo ku tilmaantay 6 bilood.

Zouma oo Faransiiska difaac uga dheela wuxuu Chelsea u dheelay 32 ciyaarood xiligan.

Labadii ciyaarood ee u dambeeyay ee uu Faransiiska u dheelo waxay ahaayeen kuwii ay la yeesheen Denmark bishii tobnaad ee sanadkii hore.

Faransiisku waxay sanadkan qabanayaan koobka qaramada ee qaaradda Yurub.

Zouma iyo John Terry ayaa noqday labada difaac ee lagu bilaabo ciyaaraha iyadda oo Chelsea aan laga badinin sagaal ciyaarood tan iyo intii uu xilka la wareegay Guus Hiddink oo ah tababaraha cusub ee ku meel gaarka ah.