Waa kuma Gianni Infantino?

Lahaanshaha sawirka AFP

Da'diisu waa :45jir

Intuu ku jiray ciyaaraha : 15 sanno

Xilkiisa hadda: Xogahayaha guud Uefa

Shaqooyinkiisii hore:waxa uu Uefa kusoo biiray sannadii 2000 isaga oo ahaa garyaqaan waxaanu xogahaye guud ka ahaa xarun cilmi baadhiseed oo xaga ciyaaraha ah oo la yidhaa (CIES) oo ka tirsan jaamacada Neuchatel.

Waa maxay hadafkiisu : Infatino waxa uu yidhi ‘waxaan rabaa inaan isbedel ku sameeyo Fifa kaas oo ka turjumaya dhamaan 209ka xidhiidh kubadeed uu ku jira Fifa ama hayaradaan ama ha waynadaan taasi oo ka dhigaysa kubbada cagta iyo horumarkeeda ujeedada koobaad ee Fifa, Haddii lay doorto buu yidhi waxaan hirgalinayaa isbedelka loo baahan yahay si Fifa sharafeteeda iyo karamdeeda ay marwalba u jirto ’