Abeba Aregawi oo orodka laga joojiyay

Image caption Abeba Aregawi

Gabadha haysata orodka 1500 ee mitir ee adduunka Abeba Aregawi ayaa laga joojiyay orodada caalamiga ah kaddib markii jidhkeeda laga helay waxyaabo mamnuuc ah.

Gabadhan oo Sweden u dhalatay asal ahaanna ka soo jeeda Itoobiya ayaa 25 jir ah waxayna ku guul daraysatay baadhitaan ay sameeyeen hay’adda maamusha ciyaaraha fudud ee IAAF.

Abeba ayaa ka qayb gashay Olympi-gii 2012-kii iyada oo tartanka u matalaysay dalka Itoobiya, laakiin sanadkaasi wixii ka dambeeyay waxay bilawday in ay u tartanto dalka Sweden kaddib markii ay dhalasho ka heshay.

Joojintan laga joojiyay waxay shaki galinaysaa in ay Sweden uga qayb gali doonto tartanka Olympic-ga magaalada Rio ka dhacaya bisha August

Gudiga Olympic-ga ee Sweden ayaa la noqday dhaqaalihii ay siinayeen Aregawi.