Rajada Tottenham ee horyaalka

Lahaanshaha sawirka EPA

Tottenham waxay noqon doontaa kooxda ugu sarreysa hoggaanka horyaalka haddii ay caawa ka badiso West Ham.

Barbardhicii Leicester ay la gashay West Brom Talaadadii waxaa macnaheedu yahay Tottenham oo saddex dhibcood ka dambeysa Leicester inay kaalinta koowaad ku geli karto gool tirsi.

Tottenham oo aan horyaalka ku guulaysan muddo 55 sano ah, waxaa hoggaanka kala horreynta kooxaha ugu dambaysay 1964, waagaas oo ugu dambaystii ay galeen kaalinta 4aad.

Wixii waqtigaas ka dambeeyay waxay shan jeer ku dhammaysteen kaalinta 3aad.

Kooxda Mauricio Pochettino waxay guulaysteen lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyay tartanka horyaalka Ingiriiska, taas oo ka soo bilaabatay wixii ka dambeeyay 1-0 ay Leicester uga badisay bishii January.