Van Gaal: kaarka cas ka hor dabciga Matta in la qiimeeyo ayay ahayd

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Van Gaal oo dabo taagan Matta

Garsoore Mike Dean waxay ahayd in uu qiimeeyo dabeecadda Juan Mata intii uusan ciyaarta ka saarin, sidaas waxaa yiri tababaraha Manchester United Louis van Gaal.

Kooxda United ayaa toban ciyaartoy ku dheeshay muddo hal saac ka badan intii ay socotay ciyaartii laga badiyay ee ay la yeesheen West Brom.

Ciyaartan ka hor Mata ayaan waligii kaarka cas la siinin intii uu ka dheelayay koobka Premier League.

Laakiin saddex daqiiqo gudahood ayuu qaatay labo kaar oo jaale ah taas oo horseeday in ciyaarta laga saaro.

Van Gaal ayaa ku adkaysanaya in garsooruhu uu qiimeeyo qofka khaladka gaysanaya iyo Mata in uusan wax dhibaato ah u gaysanin ciyaaryahanada ka soo hor jeeda.

Garsoore Dean oo tan iyo sanadkii 2000 ciyaaro waawayn dhexdhexaadinayay ayaa ka labaclabac leeyay labadii kaar ee jaalaha ahaa ee uu siiyay 27 jirka reer Spain.

Dhaawac soo gaaray rajadiii ay ka qabeen afarta kaalmood ee hore

Guul darada ay United kala kulantay Albion oo kaalinta kaw iyo tobnaad ku jirta ayaa ayaa noqonaysa middii u horaysay eek a soo gaarta garoonka Hawthorns tan iyo 1984.

Van Gaal ayaa horay u sheegay in aysan ka mid noqon Karin afarta koox ee ugu dhibcaha badan xili ciyaareedkan kaddib markii ay bishii hore guul darro kala kulmeen Sunderland.

Laakiin badintii ay ka badiyeen Arsenal iyo Watford iyo kooxihii ay is hayeen oo laga badiyay ayaa rajadoodii soo nooleeyay, taasina waxay ka dhignayd in ay kaalinta afraad isla qabsan

lahaayeen oo ay isku dhibco noqon lahaayeen Man City haddii ay ka badin lahaayeen West Brom.

Si kastaba ha ahaatee hadda waxay ku jiraan kaalinta lixaad kaddib markii laga badiyay.

Van Gaal ayaa sheegay in ay dhibaato wayn soo gaartay loona baahnaa in ciyaartaas oo kale ay badiyaan.