Arsenal: Halganka Horyaalnimadu ma dhamaanin

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wenger wali rajuu qabaa

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in uusan dhamaanin tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Ingiriiska.

Laakiin sided dhibcood ayaa u dhaxaysa kooxdiisa iyo Leicester oo hogaanka u haysa horyaalka.

Kooxda Arsenal oo lagu naanayso Gunners ayaa sided dhibcood lumiyay saddex dii ciyaarood ee u dambeeyay, waxaana ka mid ahaa guul darooyin kii ay kala kulmeen Manchester United and Swansea.

Ciyaartii barbaraha 2 iyo 2-da ah ku dhamaatay axadii ee ay la yeesheen kooxda ay xifaaltamaan ee Tottenham ayaa sababtay ay ka hoos maraan saddex dhibcood.

Tottanham ayaa hadda kaalinta labaad ku jirta waxaana xilli ciyaareedka oo dhan ka dhiman sagaal ciyaarood.

Balse tababare Wenger oo 66 jir ah wuxuu leeyahay kama quusanayno oo waan halgamaynaa ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wenger oo hadalka sii wata wuxuu yiri “ aan idin xasuusiyee Leicester labo jeer ayaan ka badinay marka shaqadanadii waan ka soo baxnay”

Arsenal waxay ka qayb qaadanayaan saddex koob oo ay ka mid yihiin FA iyo Champions League.