Nike: Maria Sharapova calaaqaad keeda waan jarnay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maria Sharapova

Shirkadda Nike ee samaysa qalabka iyo dharka ciyaaraha ayaa joojisay calaaqaadkii ay la lahayd Maria Sharapova kaddib markiin ay qiratay in jidhkeeda laga helay dawooyinka awooda kordhiya ee mamnuuca ah.

Gabadhaasi ayaa shan jeer horay ugu guulaysatay abaalmarino Taynis oo heer caalam ah.

Shirkadda saacadda samaysa ee Tag Heuer ayaa sidoo kale calaaqaad kii u jartay gabadhaasi caanka ah.

Nike ayaa sheegtay in ay aad uga naxeen ugana murugoodeen in gabadhaas jidhkeeda laga helay waxyaabahaas mamnuuca ah.

Sharapova ayaa sheegtay in ay qaadanaysay meldonium tan iyo sanadkii 2006-dii, waxay intaas ku dartay in dakhtarka qoyskeedu uu kula taliyay isticmaalka dawacadaasi awoodda kordhisa.

Shirkadda Niken iyo gabadhani waxay calaaqaad lahaayeen tan iyo 11 jirkeedii.

Waxayse sheegeen in hadda calaaqaadkaas jareen ayna la socondoonaan xaaladdu halka ay ku dambayso.

Sharapova waa ciyaaryahanadda dumarka ah ee dhaqaalaha ugu badan uu usoo xaroodo adduunka oo dhan, sanadkii 2015-kii waxay heshay lacag ku dhaw 30 milyan doolar.