Kooxha Premier League oo tigidhada ku xadiday £30

Lahaanshaha sawirka AFP

Qiimaha daawashada kubbadda cagta dood ayaa ka taagnayd, iyadoo taageerayaasha kooxda Liverpool ay qaban-qaabinayeen muddaharaad heer sare ah oo ay uga soo horjeedaan kordhin qiimaha tikitka sanadkii ciyaaraha lagu daawado.

Haatan 20-ka naadi ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska waxay dhamaantood aqbaleen in wax badan la qabto, si loo caawiyo taageerayaasha marka ay kooxdu dibadda ku soo cayaareyso.

Qiimaha tikitka ee £30 laga dhigay marka ay kooxdu garoon kale ku soo ciyaareyso waxay dhaqan gelaysaa xilli-ciyaareedka soo socda.

Hadal ay soo saareen, kooxaha Premier League waxay ku sheegeen in taageerayaasha aadaya garoommada dibadda ay muhiim u yihiin jawiga ciyaarta ayna tartanka ka dhigeen mid wax loo dhigaa aanay jirin.

Waxaa kaloo la qiray in taageerayaashu marka ay dibadda u baxaan ay galaan kharash kale oo safarkooda ku baxa oo dheeraad ka ah lacagta ay tikitka ku gataan.

Afhayeen hadlay, James McKenna, waxaa uu qiimahan meeshiisa lagu joojiyay u tiriyay lacag heshiis cusub oo £5bn ah oo lala galay television, taas oo bilaabanaysa xilli-ciyaareedka dambe, inay ugu wacan tahay xadidaada qiimaha tigidhada.