Ciyaaryahan Benzema oo laga qaaday xannibaadda

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Labadan ciyaaryahan waxay kawada tirsan yihiin xulka qaranka Faransiiska

Weeraryahanka Karim Benzema waxa uu hadda ciyaari karaa kulamada heerka qaran ee Faransiiska, sida Euro 2016-k, kaddib markii laga qaaday xayiraado sharciyeed oo saarnaa.

Benzema waxaa laga baarayay lugta uu ku lahaa koox lagu eedeeyay inay khiyaameynayeen saaxiibkiisa Faransiiska ee isku kooxda Yihiin Mathieu Valbuena.

Ciyaaryahanka Real Madrid u dheela – oo beeniyay inuu qaladkaas ku lug lahaa _ looma ogoleyn inuu la xiriiro Valbuena, taas oo micneheedo ahaa inaysan isku koox noqon karin.

Laakiin, racfaan uu ka qaatay arrintaasi ayaa keentay in maxkamad ay qeyb kamid ah xannibaadda saarney ay tuurto.

Sikastaba, Benzema, oo dhaawac ah, ayaa bishii December laga joojiyay shaqadii uu u hayay xulkiisa Qaranka ee Faransiiska.

Xanibaadaasi waxaa loogu talagalay inuu sii socdo illaa hanaanka dhageysiga maxkamadda uu ka bilaabanayo.

Qareenkii baaritaanka sameynaayay, bishii lasoo dhaafay uu joojiyay amarkaasi ah in Benzema iyo ciyaaryahanka Lyon Valbuena aysan isu imaan karin.

Dacwad oogaha ayaa racfaan ka qaatay, laakiin maanta oo jimca ah ayaa racfaankaasi la diiday.

Qareenka u doodaya Benzema, Sylvain Cormier, waxa uu go’aankaasi ku tilmaamay “tallaabadii ugu horeysay”.

Ciyaaryahanka 28 sano jirka ah waxa uu weli wajahayaa dacwado la xiriira Khiyaamo iyo hanjabaad la xiriirta cadaadis ku saabsan muuqaal galmo oo uu ku lug leeyahay Valbuena.

Haddii lagu helo dembi, waxa uu wajahayaa ugu yaraan shan sano oo xabsi ah.