Diego Costa oo dacwad lagu soo oogay

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Diego Costa ayaa loo haystaa qaniinyo iyo danbiyo kale.

Laacibkan reer Spain waxaa ciyaarta laga saaray kaddib markii ay isku dhaceen ciyaartoyga Everton dhexda uga dheela ee Gareth Barry daqiiqaddii 84aad ee kulantii Chelsea looga badiyay 2-0 garoonka Goodison Park.

Costa, oo 27 jir ah, waxaa uu u muuqday inuu qaniinay Barry, inkastoo labada ciyaartoyba ay beeniyeen inay taasi dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Kubbadda Cagta waxaa uu hada dacwad ku oogay Costa qaabkii uu u dhaqmay kaddib markii warqadda Jaallaha ee 2aad loo taagay, ayay sheegeen xiriirka FA.

Ciyaartoygani waxaa uu haystaa ilaa maalinta Khamiista saacaddu marka ay tahay 18:00 GMT, ee 17 March inuu kaga soo jawaabo dacwadda loo haysto.

Waxaa kaloo loo qabtay ilaa maalinta Arbacada inuu kaga soo jawaabo eedeyn kale oo ku saabsan sidii uu ula dhaqmay taageerayaasha Everton markii uu garoonka ka baxayay dhammaadka qaybtii 1aad ee ciyaarta.