Kooxda Leicester oo u dhawaanaysa horyaalka

Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda Leicester City ayaa qarka u saaran inay ku guulaysato horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska sanadkan.

Rajada Leicester waxay haatan gaartay lix meelood oo shan ahaan (5/6) inay qaaddo horyaalka Premier League markii ugu horreysay taariikhda naadigaas.

Markii uu bilaabanayay xilli-ciyaareedka sanadkan rajada Leicester inay horyaalka ku guulaysato waxay ahayd shan kun meelood oo meel ahaan (5,000/1) haatanse waxay gaareen 5/6 inay u badan tahay in ay horyaalka qaadaan.

Waa horumar aan caadi ahayn waayo sanadkii hore waqtigan oo kale waxay kooxdani ka baqaysay inay ka harto 20-ka kooxood ee ka ciyaara tartanka horyaalka Ingiriiska, kuwaas oo sanad walba saddexda ugu hooseeya xagga dhibcaha ay hoos u dallacaan.

Hase yeeshee iyadoo siddeed ciyaarood ay harsan tahay ayaa kooxda Tottenham waxay haysataa fursan ay horyaalka uga qaadi karto Leicester City.