Leicester way sii dhaqaaqday toddobaadkan

Leicester City club Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Naadiga Leicester City

Sabtidan waxaa dhacay lix ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Waxaana guulaystay kooxaha: Leicester, Norwich, Stoke iyo Arsenal iyadoo Chelsea iyo West Ham ay barbar dhac noqdeen.

Everton 0 - 2 Arsenal

Chelsea 2 - 2 West Ham

Crystal Palace 0 - 1 Leicester

Watford 0 - 2 Stoke

West Brom 0 - 1 Norwich

Arsenal oo ka hartay tartamada koobabka horyaalka Yurub ee Champions League iyo FA Cup ee Ingiriiska labadaba waxay kaga jawaabtay guul ay si wanaagsan uga badisay kooxda Everton oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Goodison Park.

Waxaana ay natiijadaasi cadaadiskii badnaa ka qaadday maamulaha kooxda Arsene Wenger.

Swansea iyo Aston Villa ciyaartoodu way socotay waqtiga daabacaadda maqaalkan.