Halganka Sunderland iyo Newcastle

Lahaanshaha sawirka Rex Features

Tababarayaasha Sunderland iyo Newcastle oo halgan ugu jira inay sii joogaan horyaalka ingiriiska.

Labada kooxoodba waxay ku jiraan kaalimaha ugu hooseeya ka dib markii ay barbarro galeen. “waxay ila tahay inaan halaganno ilaa iyo ciyaarta ugu dambaysa iyo daqiiqadda ugu dambaysa, waana in aan sidaa samaynaa” ayuu yiri Rafael Benitez oo tababara Sunderland.

Ka dib markii ay goolka ku hormareen cayaartii labaad oo xiriir ah ayuu tababaraha Newcastle Sam Allardyce yiri “waxaan dareemaynaa in aan badbaadi doonno”

Goolka uu dhaliyey Aleksandar Mitrovic daqiiqaddii 83aad aya so afjaray 6 guuldarro oo ka dhan ah Sunderland.

Sunderland oo goolka ku horaysay, uuna daqiiqaddii 15aad u dhaliyey Jermain Defoe ayaa keenay in kooxdu ay kaalinta 18aad ku jirto, ayado 2 dhibcood ka dambaysa Norwich.

Newcastle waxay u safraysaa garoonka kooxda Norwich, Sunderland-na 16ka April ayey isla kooxdaas kula cayaari doontaa garoonka Carrow Road.