Qabashada Euro 2016 oo su'aal la galiyay

Lahaanshaha sawirka AFP

Xubin ka tirsan guddiga fulinta ee xiriirka kubbadda cagta ee qaaradda Yurub, UEFA, ayaa soo hadal qaaday suurta galnimada in tartanka kubbadda cagta Yurub ee sanadkan 2016 lagu ciyaaro garoommo albaabadu u xiran yihiin oo dadweynuhu aanay ka qayb gelin.

Waxay ka dambaysay weerarradii argagixiso ee magaalada Brussels lagu qaaday.

Madaxii hore ee xiriirka kubbadda cagta dalka Talyaaniga, Giancarlo Abete, waxaa uu sheegay in tartanka Yurub ee 2016 uu yahay dhacdo aan dib loo dhigi karin ama la baajin karin.

Waxaana uu intaas ku daray in UEFA aanay si iyada u gaar ah ciyaar ugu qaban karin garoommo cidla ah maadaama ururku aanu gaar u noqon karin argagixisada.

Maamulaha Wales, Chris Coleman, ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in tartanka Yurub la qabto sidii qorshuhu ahaa inkastoo ay jirto cabsi dheeraad ah oo xagga ammaanka ku saabsan.