Johan Cruyff oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka EPA

Dadka caanka ah iyo ciyaartoydii hore waxay Johan Cruyff ku xasuustaan ciyaarihii koobka adduunka ee sanadkii 1974, maadaama uu dalkiisa Netherlands markii ugu horreysay soo gaarsiiyay ciyaarta kama dambaysta ah ee tartankaas.

Cruyff, waxaa uu ku soo caanbaxay weeraryahanka kooxda Ajax iyo Barcelona, waxaana uu saddex goor qaaday ciyaartoyga sanadka ugu wanaagsan qaaradda Yurub.

Waxaa uu ku guulaystay saddex koob oo Yurub ah oo isku xigay oo kooxda Ajax uu la qaaday laga soo bilaabo sanadkii 1971.

Waxaana uu tababare u noqday kooxda weyn ee Barcelona inay markii ugu horreysay qaaddo koobka horyaalka Yurub sanadkii 1992.

Isagoo waddanka Dutch-kana gacan ka siiyay inay gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka sanadkii 1974, halkaas oo 2-1 ay Jarmalku uga badiyeen.