Messi oo u dhow rikoorka gool dhalinta dalkiisa

Lahaanshaha sawirka Getty

Lionel Messi ayaa ku dhow inuu gaaro rikoorka gool dhalinta ee uu dalkiisa Arjentiin u dhigay Gabriel Batistuta, isagoo dalkiisa u dhaliyey goolkiisii 50aad.

Messi oo 28 jir ah wuxuu goolkiisa 50 aad ahaa rigoore uu ka dhaliyey Bolivia oo cayaartii is reebreebka koobka adduunka 2018 ay la yeesheen ay uga badiyeen 2-0.

Rikoorka goolasha weeraryahankii hore ee Fiorentina iyo Roma, Batistuta waxaa uga dhiman 56.

Messi oo shan goor ku guulaystay abaalgudka Ballon d'Or, asaga ayaa ugu horreeya gool dhalinta kooxdiisa Barcelona marka la eego gool dhaliyeyaashii soo maray.

Wuxuu u dhaliyey 449 gool, waxaana la eegayaa bal inuu kiisa shan boqolaadna dhaliyo marka ay Barcelona cayaarta El Classico kaga hor timaado Sabtida Real Madrid oo xafiiltan adag uu kala dhaxeeyo.