Ganaax la saaray ciyaaryahanka Souleymane Doukara

Souleymane Doukara oo u cayaara Leeds United waxaa lagu ganaaxay inuusan 8 cayaarood dheelin, ka dib markii uu qaniinay nin ka tirsanaa kooxda ka soo horjeedday.

Arrintaas ayuu cayaartoygaas 24 jirka ah ku kacay cayaartii ay kooxdiisu la yeelatay kooxda Fulham 23 February, taasoo ku dhamaatay barbarro 1-1.

Doukara oo diiday eedeyntaas ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 5,000 oo Gini.