Maamulaha cusub ee Chelsea

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Antonio Conte

Madaxii xulka qaranka Talyaaniga, Antonio Conte, ayaa loo magacaabay maamulaha cusub ee kooxda Chelsea.

Chelsea waxay u magacawday Antonio Conte macallinka cusub ee kooxdooda heerka koowaad, taas oo bilaabanaysa bartamaha sanadkan.

Talyaanigan 46-jirka ah waxaa uu hore tababare ugu soo noqday kooxda Juventus, waxaa ay Chelsea siisay heshiis shaqo oo saddex sano ah- kaddib marka uu dalkiisu ka qayb qaato tartanka horyaalka Yurub ee bartamaha sanadkan lagu qaban doono waddanka Faransiiska ee Euro 2016.