Rajadii Arsenal dharbaayo ayaa ku dhacday

Andy Carroll
Image caption Weeraryahanka West Ham ee Andy Carroll

Sabtidan waxaa dhacay toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Waxaana guulaystay kooxaha: Bournemouth, Crystal Palace, Southampton, Swansea iyo Manchester City.

Natiijooyinka Sabtidan waa kuwan:

West Ham 3 - 3 Arsenal

Aston Villa 1 - 2 Bournemouth

Crystal palace 1 - 0 Norwich

Southampton 3 - 1 Newcastle

Swansea 1 - 0 Chelsea

Watford 1 - 1 Everton

Manchester City 2 - 1 West Brom

Saddex gool oo Andy Carroll uu u dhaliyay West Ham ayaa dharbaaxo kale ku dhufatay rajadii yarayd ee Arsenal ka lahayd inay horyaalka sanadkan qaaddo.

Guuldarrada ay la kulantay Newcastle waxay haatan qarka u saaran tahay inay sanadkan hoos u dallacdo. Chelsea waa laga badiyay hase ahaatee hoos uma dhacayso sanadkan, afarta kooxood ee ugu sarreeyana mar hore ayay ka quusatay.