Horyaalka Yurub oo nus dhammaad galaya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Vincent Kompany ayaa difaaca uga dheela kooxda Manchester City.

Kabtanka kooxda Manchester City, Vincent Kompany, ayaan ciyaari doonin kulanka ay caawa kooxdiisa ku martigelineyso Paris St-Germain, kaasoo ah lugtii labaad ee rubuc dhammaadka horyaalka Yurub.

Tababaraha kooxdaasi, Manuel Pellegrini, ayaa sheegay in Kompany aanu boqolkiiba boqol diyaar ahayn, marka aanu sidaa uga qeyb geli karin kulanka.

Kompany, oo 30 jir ah, ayaa kubka ka dhaawacmay kulankii ay kooxdiisa bishii Maarso la yeelatay Dynamo Kiev, kaasoo ay Man City uga mid noqotay 8 koox ee ugu soo haray horyaalka Yurub.

Lugtii hore ee kulanka Man City iyo PSG ayaa ku dhamaaday barbaro 2-2 ah.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa sheegtay in weeraryahankeeda Karim Benzema uu ka qeyb gali doono kulanka ay caawa garoonkeeda kula yeelan doonto kooxda Wolfsburg.

Benzema ayaa jilibka ka dhaawacmay lugtii hore ee kulankan, markaasi oo ay Wolfsburg ku badisay 2-0.

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane, ayaa kooxdiisa ugu baaqay in ay sabar muujiyaan ciyaarta caawa ka dhacaysa garoonka Santiago Bernabéu.