Saddex ciyaartoy ee Leicester oo billad u sharaxan

Lahaanshaha sawirka Reuters

Saddex ciyaartoy oo ka tirsan kooxda Leicester oo kala ah Jamie Vardy, Riyad Mahrez iyo N'Golo Kante ayaa ku jira liiska lixda ciyaartoy ee isugu soo haray abaalgudka la siinayo laacibka laacibiinta ee sanadkan.

Waxaa kaloo liiska ku jira laacibka Arsenal dhexda uga ciyaara ee midfielder Mesut Ozil, laacibka West Ham dhexda uga dheela ee Dimitri Payet iyo weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.

Kane waxaa kaloo uu ku jiraa sidii uu u xajisan lahaa abaalgudkii sanadkii hore lagu siiyay ciyaartoyga ugu fiican ee dhallinyarada kubbadda ciyaarta, waxaana lala magacaabay saaxiibka ay kooxda Tottenham u wada ciyaaraan ee Dele Alli.

Laacibiinta ku guulaysta abaalmarinnadaas waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Axadda ee 24 April.