Real iyo City oo gaaray nus dhammaadka UCL

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Manchester City ayaa markii ugu horreysay u gubtay nus dhammaadka horyaalka Yurub.

Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda gaartay nus dhammaadka tartanka horyaalka Yurub, ka dib markii ay xalay 1-0 kaga adkaatay Paris St-Germain.

Goolka qura ayaa waxaa u dhaliyay laaciibkeeda dhawaan dhaawaca kasoo kacay ee Kevin de Bruyne.

Lugtii hore ee kulanka ayaa todobaadkii hore waxa ay kooxaha isla dhaafi waayeen barbaro 2-2 ah, waxaana ciyaartii xalay gool ku-laad khasaariyay weeraryahanka Manchester City, Sergio Aguero.

Jawiga garoonka Manchester City ee Etihad ayaa ahaa mid aad u kacsan, waxaana qiiro badan ay ka muuqatay taageerayaasha xattaa ka dib markii uu kulanka dhammaaday.

Goolka Kevin de Bruyne ayaa ahaa mid si weyn ay ula dhaceen taageerayaasha City.

Dhanka kale, Cristiano Ronaldo, ayaa xalay ka fujiyay kooxdiisa Real Madrid, ka dib markii si halyaynimo ah uu ugu dhaliyay 3 gool oo ay kaga adkaatay kooxda Wolfsburg ee Jarmalka ka dhisan.

Kulanka ayaa lugtii hore ku dhammaaday 2-0 oo ay guusha ku raacday Wolfsburg, balse waxaa hadda 3-2 kusoo baxday Real Madrid.

Manchester City iyo Real ayaa sugaya labada koox ee caawa kasoo harta Atletico Madrid, Barcelona, Benfica iyo Bayern Munich.

Isku aadka kooxaha ee nus dhammaadka horyaalka Yurub ayaa la sameyn doonaa Jimcaha saacada bariga Afrika marka ay tahay 1:30 Duhurnimo.