Liverpool oo u gudubtay semi-finalka horyaalka Europa

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Taageerayaasha Liverpool waxay u ahayd habeen farxadeed

Kooxda Liverpool ayaa la timaaday mid kamid ah guulaha layaabka leh kaddib markii garoonka Anfield ay ku garaacay kooxda Borussia Dortmund, ayna u gudtay wareegga semi-finalka ee koobka Europa League-ga.

Labada kooxood ayaa lugtii hore waxa ay ku kala baxeen barbaro 1-1.

Hasayeeshee ciyaartii xalay waxaa 4-3 ku badisay kooxda Liverpool, iyadoo celceliska labada lug ee ciyaartuna ay ku dhammaatay 5-4 oo ay ku soo baxday kooxda Liverpool.

Ciyaaryahan Dejan Lovren ayaa waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Liverpool goolka guusha.

Taageerayaasha Liverpool ayey xalay u aheyd habeen farxad iyo raynrayn ah.

Anfield waxaa xalay laga xusayay sanad guuradii 27aad ee ka soo wareegatay musiibadii Hillsborough, taas oo ay ku dhinteen 96 taageerayaasha Liverpool ah.

Daqiiqado ayaa loo aamusay dadkii musiibadaasi ku waxyeeloobay ka hor inta aysan ciyaarta billaaban.