Man City iyo Real Madrid oo isku aaday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Isku aadka koobka horyaalada Yurub

Kooxda Manchester City ayaa nus dhammaadka Koobka Horyaalada Yurub waxa ay la dheelaysaa kooxda Real Madrid.

Taasi ayaa waxa ay ka dhigan tahay in City ay suuragal tahay in finalka koobka ay ka hortagto tababarahooda xilka la wareegi doona xagaagan ee Pep Guardiola, kaddib markii kooxda uu haatan layliyo ee Bayern Munich ay ku aadday kooxda Atletico Madrid.

Guardiola ayaa xagaagan waxa uu badeli doonaa tababaraha haatan layliya Manchester City ee Manual Pellegrini.

Lugta hore ee ciyaarahaasi ayaa waxa ay 26 Abriil ka dhacaysaa garoonka Etihad ee Manchester City, halka lugta labaadna 4 May lagu dheeli doono caasimadda Spain ee Madrid.

Ciyaarta kama dambeysta ah ayaa 28 May waxaa lagu dheeli doonaa garoonka San Siro ee magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Ronaldo oo dib ugu laabanaya Manchester

Pellegrini ayaa tababare u ahaa Real Madrid markii 2009 uu Cristiano Ronaldo uga biiray Manchester United.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Cristiano Ronaldo

Si kastaba ha ahaatee, Pellegrini ayaa xagaagii xigay xilka la qaaday oo waxaa badelay Jose Mourinho, kaddib markii laga reebay koobka Horyaalada Yurub.

Weeraryahankii hore ee Manchester United Ronaldo ayaa haatan horkacaya gooldhalinta tartanka ee xagaagan, 10 kulan oo uu dheelayna waxa uu dhaliyay 16 gool.

Ronaldo ayaa horkacaya guud ahaan gooldhalinta koobka Horyaalada Yurub, isagoo 125 kulan oo uu saftay dhaliyay 93 gool, waxaana ugu dambeesay 3-dii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Wolfsburg.

Real Madrid ayaa haysata koobabka ugu badan ee Horyaalada Yurub waxa ayna ku guulaysatay 10 jeer.