Newcastle way nefistay laakiin Villa way degtay

Aston Villa Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Aston Villa

Maanta waxaa dhacay lix ciyaarood oo ka mid ah horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Aston Villa waxay ka hartay naadiga kooxaha horyaalka ka ciyaara kaddib markii ay Mcnchester United 1 - 0 uga badisay.

Waa markii ugu horreysay ee kooxda Aston Villa ay ka harto naadiga ay ku jiraan kooxaha ka ciyaara horyaalka Ingiriiska tan iyo sanadkii 1987.

Newcastle waxaa u soo noolaatay rajadii ay ka lahayd inay ka badbaaddo kooxaha sanadkan hoos u dallacaya kaddib markii ay saddex dhibcood oo muhiim ah ka soo hoyday kooxda Swansea. Waana guushii ugu horreysay tan iyo markii uu maamulka kooxdan qabtay Rafael Benitez si looga badbaadiyo inay hoos u dhacdo.

Natiijooyinka kale ee Sabtidan dhacay waa kuwan:

Norwich 0 - 3 Sunderland.

Everton 1- 1 Southampton

Newcastle 3 - 0 Swansea

West Brom 0 - 1 Watford

Chelsea iyo Manchester City way socotaa ciyaartoodu, waxaana 2 - 0 ku hoggaaminaysa Man City.