Claudio Ranieri: Tartanka horyaalku wali ma dhamaan

Lahaanshaha sawirka AP

Claudio Ranieri ayaa sheegay in dadku “ay aamini lahaayeen” in tartanka horyaalnimadu uu dhamaaday haddii booska ay Leicester City joogto ay joogi lahaayen mid ka mid ah labada Manchester.

Kooxda lagu naanayso Foxes, ayaa todobo dhibcood hogaanka ku haysa waxaana xilli ciyaareedkan oo dhan ka dhiman shan ciyaarood.

Bari oo Axad ah waxay fooda is dari doonaan kooxda West Ham.

Ranieri ayaa sheegay in Leicester oo 12 bilood ka hor ka badbaaday in laga eryo horyaalka Ingiriiska ay arrin wanaagsan la timid, balse ay waajib tahay in ay koobka qaadaan haddii ay rabaan in la xasuusto soddonka ama afartanka sano ee soo socota.

Ninkaas Talyaaniga ah ee 64 jirka ah ayaa sheegay in aysan wali waxba hananin.

“Waan jeclahay muusigga koobka Champions League”

Leicester ayaa badisay shantii ciyaarood ee u dambeeyay kuwaas oo ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska iyaga oon wax gool ah laga dhalinin, saddex kale haddii ay badiyaanna waxay hanan doonaan koobka.

Ciyaartii ay Axadii 2-0 kaga badiyeen Sunderland ayaa u horseeday in ay xaqiijiyaan in ay ka mid noqondoonaan afarta Kooxood ee ugu dhibco badnaan doona, arrrintaas oo caadiyan lagu mutaysto ka qaybgalida koobka magaca wayn ee Horyaalka Yurub ee loo yaqaanno Champions League.

Waxaase caqabad ku noqon karta haddii Manchester United ama Liverpool ay ku guulaysato koobabka Yurub.