Kooxda Leicester City oo la hakiyay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption kooxda hogaanka u haysa horyaalka Britain ayaa barbardhac la gashay West Ham

Gool ku laat uu tuuray Leonardo Ulloa ee daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayaa waxa ay badbaadisay kooxda Leicester oo ciyaar muran dhalisay ay la yeesheen West Ham.

Leicester ayaa hal dhibic halkaasi ka heshay oo barbardhac la gashay West Ham. Waxayna hadda horyaalka Premier League ku hogaaminayaa 8 dhibcood oo nadiif ah.

Lahaanshaha sawirka no credit
Image caption Labada koox maysan kala liidan, laakiin Leicester waxa ay eedeyneysaa garsooraha

Markii ciyaarta ay mareysay 18 daqiiqo gool uu dhaliyay ciyaaryahan Jamie Vardy ayaa waxa ay Leicester fursad u siisay inay hogaanka qabato.

Balse waxaa ciyaarta laga saaray Vardy oo laba kaar oo jaalla ah qabay, waxaana la siiyay mid casaan ah kaddib markii uu kala tuuray Angelo Ogbonna oo u dheella West Ham.

Garsoore Jonathan Moss waxaa sidoo kale rigooro siiyay West Ham iyadoo ciyaarta ay ka dhimatahay lix daqiiqo taas oo ka dhigtay in kooxdan ay 2-1 ku hogaamiso ciyaarta.

Isriiriixa iyo dagaallanka labada dhinacba way sameynayeen, laakiin waxa uu go’aansaday inuu ciqaabo Wes Morgan oo ku xadgudbay Winston Reid, oo isku deyayay inuu madaxa lagalo koorno lasoo laalay.