Benitez oo amaanay ciyaartooydiisa

Lahaanshaha sawirka Getty

Rafael Benitez Waxaa uu rajo geliyay kooxda Newcastle inay ku sii jirto tartanka horyaalka Ingiriiska.

Benitez, oo maamulka kooxda la wareegay bishii March, waxay xalay barbardhac 1 iyo 1 gool ahla gashay kooxda Manchester City.

Newcastle haatan rajo yar ayaa soo gashay inay sanadkan badbaaddo, rajadaas oo aan jirin dhowr toddobaad ka hor, sidaas waxaa yiri Alan Shearer oo kooxda hore ugu ciyaari jiray haatanna ka mid ah khubarada ka faallooda kubbadda cagta ee BBC.