La Liga-ha Spain oo aad la isugu dhaw yahay

Lahaanshaha sawirka AFP

Horyaalka La Liga ee dalka Spain waxaa si aad ah ugu loolamaya saddexda kooxood ee Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid . Barca iyo Atletico ayaa horyaalka ku hogaaminaya min 82 dhibcood, halka Real-na ay leedahay 81 dhibcood.

Barcelona ayaa kulankii ay Sabtidii la yeelatay kooxda Sporting de Gijón, waxa ay uga badisay 6-0. Afar ka mid ah goolashaasi ayaa waxaa u dhaliyay Luis Suarez, oo ciyaartii taasi ka horeysayna kooxdiisa u dhaliyay afar gool oo kale.

Suarez ayaa hadda leh 34 gool oo Laliga ah, halka Cristiano Ronaldo uu marayo 31 gool. Atletico Madrid waxa ay 1-0 kaga adkaatay Malaga, goolkaasina waxaa u dhaliyay Angel Correa.

Tabaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, ayaa ammaan dusha kala dhacay weeraryahankiisa Gareth Bale, ka dib guushii ay Real ka gaartay Rayo Vallecano.

Real Madrid ayaa laba gool lagala hormaray, waxaana ay ciyaarta ku dhammaatay 3-2 oo ay ku adkaatay Real. Laba ka mid ah goolashaasi waxaa u dhaliyay Bale.