Mahrez waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan Ingiriiska

Image caption Mahrez ayaa laf dhabar u ah kooxdiisa Leicester City

Weeraryahanka kooxda Leicester City, Riyad Mahrez, ayaa ku guuleysatay biladda ciyaar yahanka sanadkan ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska, kaddib markii ay u codeeyeen xubnaha Ururka Xirfadlayaasha kubadda cagta ee dalkaasi.

Mahrez ayaa kooxdiisa u dhaliyay 17 gool, asaga oo gacan ka geystay 11 kale, 34 kulan oo uu saftay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Mahrez, oo 25 jir ah, ayaa ka guuleystay weeraryahanka Tottenham, Harry Kane, Mesut Ozil oo khadka dhexe uga ciyaara Arsenal, Dimitri Payet oo isna khadka dhexe uga dheela West Ham United, iyo labada ciyaaryahan ee ay isku kooxda yihiin, waa Jamie Vardy iyo N'Golo Kante.

Dele Alli oo khadka dhexe uga dheella kooxda Tottenham ayaa isna qaatay billada ciyaar yahanka ugu da'da yar ee horyaalka Ingiriiska.