Wararkii u dambeeyay ee Koobka Serie A Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka .

Kooxda Juventus ayaa qarka u saaran in ay markii 5-aad oo isku xigta ku guuleysato horyaalka Serie A, ka dib markii ay xalay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Fiorentina oo ay 2-1 ku ugu xoog sheegatay.

Haddii kooxda kusoo xigta ee Napoli laga badiyo kulanka ay galabta la leedahay Roma, waxaa sidaasi horyaalka ku qaadeysa Juve.

22 ciyaartooy oon midna Talyaani ahayn

Sabtidiina waxaa kulan xiisa badan uu dhexmaray kooxaha Inter Milan iyo Udinese, kaasoo ay guusha 3-1 ku raacday Inter.

Arrinta xiisaha u yeeshay kulankaasi ayaa ahayd in labada kooxba ay ku safteen ciyaartooy aan dhammaantood u dhalan dalka Talyaaniga, ciyaartaasna waxaa u soo daawasho tagay afartan iyo afar kun oo ruux.

Waxa uu noqday kulankii ugu horeeyay ee ka tirsan horyaalka Talyaaniga ee aan ciyaartooy Talyaani ah lagu bilaabin.