Taageerayaashii Hillsborough sharci darraa lagu dilay

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Muddo dheer ayaa go'aankan la sugayay

Baaritaan muddo dheer laga sugayay dalka Britain ayaa lagu go'aamiyay in 96 qof oo taageerayaal ah u ahaa kooxda Liverpool, isla markaana ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon ku yaalla waqooyiga England 1989-kii, in si sharci darro ah loo dilay.

Baaritaanka oo socday laba sano ayaa lagu ogaaday in falkii ay booliska ka geysteen garoonka Hillsborough, uu qeyb ka qaatay dhimashada taageerayaashaasi.

Gudiga xeer-beegti ah ayaa sheegay in masiibadaasi aan lagu eedeyn karin qaabkii ay u dhaqmeen taageerayaasha.

Qoysaska dadkii halkaasi ku dhintay ayaa ku ilimeeyay gudaha maxkamadda markii go'aankaasi la shaaciyay.

Taliyaha booliska deegaankaasi ayaa sheegay in ay si buuxda u aqbalayaan go'aanka, isla markaasna ay raali gelinayaan qoysaska ay masiibadaasi saameysay.

Masiibaddii Hillsborough ayaa noqotay tii ugu xumeyd ee soo marka ciyaaraha Britain.