Ranieri oo laga yaabo in uusan daawanin ciyaar muhiim u ah

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ranieri oo qadada hooyadii ka doortay ciyaartan muhiimka u ah

Tababaraha kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa laga yaabaa in uusan daawanin ciyaarta muhiimka ah ee dhexmaridoonta Chelsea iyo Tottenham Isniinta maadaama uu soo saaranyahay diyaarad ka imanaysa Talyaaniga.

Kooxda lagu naanayso dawacooyinka ayaa qaadi doona koobka Premier League ee horyaalka Ingiriiska waase haddii ay Tottenham ka badin waydo kooxda koobkan difaacanaysa ee Chelsea.

Ranieri ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu daawado ciyaartaas balse uu safar soo yahay.

Wuxuu sheegay in uu jeclaystay in uu la soo qadeeyo hooyadii oo 96 jir ah oo talyaaniga joogto uuna soo laaban doono.

Tababarahaas Talyaaniga ah ayaan waligii qaadin koob heer sare ah laakiin kooxdiisa Leicester waxaa ka xigta labo dhibcood oo kali ah, kaddib markii ay barbaro hal iyo hal ah la galeen kooxda Manchester United Axaddii.