Natiijooyinka horyaalka Ingiriiska Sabti

Claudio Ranieri Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Maamulaha Leicester City, Ranieri

Galabta waxaa dhacay toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo haatan gebagebo maraya.

Waxay maanta ahayd mid xiisa ka leh xagga sare iyo xagga hoose ee tartanka labadaba.

Ciyaarta ugu horreysay waxay dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Norwich. Waxaana 1 - 0 ku badisay Man United.

kulammada kale waxaa loo kala badiyay:

Aston Villa 0 - 0 Newcastle

Bournemouth 1 - 1 West Brom

Crystal Palace 2 - 1 Stoke

Sunderland 3 - 2 Chelsea

West Ham 1 - 4 Swansea

Leicester iyo Everton ciyaartoodu way soo socotaa waqtiga daabacaadda maqaalkan.

Horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska waxaa sanadkan ku guulaysatay kooxda Leicester City kaddib markii ay si xamaasad leh u ciyaareen - iyagoo ka adkaaday kooxaha ay ka midka yihiin Tottenham, Manchester City iyo Arsenal.

Waxaa weli loo tartamayaa kaalimaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee xagga sare iyadoo xagga hoosena laga cararayo labadii kooxood ee saddex ku noqon lahaa kooxda Aston Villa oo iyadu horeba hoos ugu dallacday sanadkan.