John Terry oo qandaraas kiisa ka duwan loo soo bandhigay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lama hubo waxa uu noqon doono doorka Terry

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa ka fiirsanaya in uu aqbalo shaqo ka duwan mida uu hadda ka hayo kooxda.

Terry oo 35 jir ah ayuu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan. Bishii koobaad ee sanadkana wuxuu sheegay in uusan kordhinaynin qandaraaskiisa.

Kooxda Chelsea wali si rasmi ah ugama aysan hadlin waxa uu yahay doorka uu Terry ku yeelan doono kooxda.

Laakiin horaantii Jimcihii qof u hadlay Chelsea ayaa sheegay in iyada oo xili ciyaareedku uu gabogabo yahay ay go’aan wayn uu horyaalo Terry iyo qoyskiisaba.

Terry ayaa Instagram-kiisa ku soo qoray in qandaraaska la siiyay uu ka duwanyahay ka uu hadda ku shaqeeyo uuna rajaynayo in qof kaste uu fahmo in uu u baahanyahay wakhti uu ku fikiro inta uusan go’aan gaarin.