Ranieri oo loo doortay tababaraha sanadka

Image caption Ranieri ayaa kooxdiisa u qaaday horyaalkii ugu horreeyay abid.

Macallinka kooxda Leicester City, Claudio Ranieri, ayaa loo magacaabay tababaraha sanadka ee xilli ciyaareedka hadda dhammaada.

Waxaa u codeeyay tababarayaasha kale ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Ninkan Talyaaniga u dhashay ee 64 jirka ah, ayaa kooxda Leicester City ku hagay horyaalkii ugu horreeyay ee ay qaado, tan iyo markii la asaasay 132 ka hor.

Ranieri ayaa sidoo kale la siiyay billad sharaf gaar ah oo uu leeyahay horyaalka Ingiriiska, waxaana uu noqonayaa tababarihii labaad ee aan Britain ama Ireland u dhalan ee billadaasi hanta.

Waxaa uga horreeyay Arsene Wenger oo Arsenal tababare u ah, kaasoo ku guuleystay sanadihii 2002 iyo 2004.