Barcelona oo koob kale hanatay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Copa del Roy ayay markii 28-daad hanteen

Kooxda Barcelona oo toban ciyaartoy ah ayaa qaaday koobka loo yaqaanno Copa del Roy kaddib markii ay labo gool dhaliyeen wakhtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Kooxda tababare Luis Enrique ayaa koobkan hantay markii 28-sideedaad, inkaste oo kooxda qaybtii horaba laga ganaaxay Javier Mascherano oo karaka cas la siiyay qaybtoo koobaad ee ciyaartaba.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Barcelona oo dabaaldagaysa

Jordi Alba iyo Neymar ayaa goollasha u shaliyay kooxda Barcelona iyadoo kooxduna ay horayba u hanatay koobka La Liga ee horyaalka Spain.

Kooxda Sevilla ayaa iyagana dhamaadkii daqiiqadii sagaashanaad laga saaray Ever Banega, wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray markii waxaa mar kale laga saaray Daniel Carrico waxayna ciyaartu dhamaatay iyaga oo sagaal ruux ku ciyaaraya.