Louis Van Gaal oo shaqada laga eryay

Image caption Van Gaal ayaa ku guuldaraystay in uu kooxda gaarsiiyo kaalimaha hore

Tababaraha kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa shaqada laga eryay, waxaa lagu wadaa in shaqadaas loo magacaabo tababarihii hore ee Chelsea, Jose Mourinho.

Tababaraha reer Holland ayaa shaqadan laga joojiyay isaga oo dhamaystay labo sano oo ka mid ah saddexdii sano ee uu qandaraaska u haystay.

BBC qaybteeda ciyaaraha ayaa sabtidii ku warantay in ciyaartii koobka FA-ga ee uu koobka kaga qaaday kooxda Crystal Palace ay ahayd ciyaartiisii u dambaysay shaqadiisa.

Magacaabista Mourinho ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo berri oo talaado ah, kadib markii uu kulan la yeeshay madax sare oo ka tirsan Manchester United.