Sharapova oo laga mamnuucay tennis-ka

Lahaanshaha sawirka AFP

Maria Sharapova, oo ah gabar horay kaalinta koowaad kaga jirtay ciyaaraha tennis-ka, ayaa tartamada laga mamnuucay muddo laba sano ah, ka dib markii dhiigeeda laga helay daroogo mamnuuc ah.

Maria oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa ka hari doonta tartanka Olympic-kada ee sanadkan ka dhacay magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Waxa ay sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto go'aankan, ayadoo intaa raacisay in aanay ogeyn in maadada meldonium, oo ay muddo adeegsaneysay, lagu daray daroogada mamnuuc ah.

Balse xiriirka caalamiga ah ee tennis-ka ayaa sheegay in maadaama ay qarisay adeegsiga dawadaasi, ay ka dhigan tahay in ay jirkeeda ku xoojineysay.