Faransiiska oo khamrida ka mamnuucay agagaarka ciyaaraha

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption taageerayaasha qaar ayaa dagaalamay

Dawladda Faransiisku waxay ku baaqday in magaalooyinka martigalinaya ciyaaraha koobka qaramada qaaradda Yurub ee sanadkan 2016 ay mamnuucaan in khamri lagu iibiyo agagaarka garoomada iyo goobaha ay taageerayaashu isugu tagaan.

Arrintani waxay dabo socotaa saddex maalmool oo iska hor imaad uu dhexmaray booliiska Marseille iyo taageerayaasha.

Ururka maamulaha kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa baaritaan samaynaya kaddib markii taageerayaasha Ruushku ay ku ordeen dhanka taageerayaasha Englan ee garoonka ku jira kaddib markii ciyaartii labadooda dal dhex maraysay ay ku soo dhamaatay barbaro hal iyo hal ah sabtidii.

Uefa waxaa kale oo ay ku goodiday in labada kooxba ay ka mamnuuci doonto tartanka haddii taageerayaashu ay sameeyaan rabshado dheeri ah.

Dawladda UK waxay dawladda Faransiiska u soo bandhigtay in ay u soo dirto booliis British ah oo dheeri ah kahor ciyaarta ay England ku yeelanayso magaalada Lens khamiista.

“Wax aan la aqbali Karin”

Wasiirka arrimaha gudaha ee Fransiiska Bernard Cazeneuve ayaa amray in talaabo kaste oo muhiim ah la qaado si loo mamnuuco iibinta, isticmaalk, iyo u daabulidda khamrida goobahaxasaasiga ah maalmaha ay ciyaaruhu dhacayaan iyo maalinta ka horaysaba iyo maalmaha ay furan yihiin goobaha taageerayaashu ay isugu yimaadaan.

Cazeneuve wuxuu intaas ku daray in meelaha khamrida laga mamnuucay ay ka mid tahay goobaha ay bulshadu isugu timaado.