Xulka kubadda cagta Croatia oo la ganaaxay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Croatia ganaax adag ayaa la dul dhigay

Gudiga maamula ciyaaraha kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa xulka dawladda Croatia ku gaanaxay 100,000 oo Yuuro, kaddib markii ay taagerayaal qas abuureen intii ay socotay ciyaartii ay la lahaayeen Czech Republic ee barbaraha labo iyo labada ahayd ku dhamaatay Jimcihii.

Garsoore Mark Clattenburg ayaa joojiyay ciyaarta oo ka dhacaysay magaalada Saint-Etienne kaddib markii taageerayaasha Croatia ay tureen waxyaabo holcaya.

Gudiga maamula ciyaaraha kubadda cagta Croatia ayaa sidoo kale mamnuucay in uu tigidho ka iibiyo taageerayaasha loo aqoonsado kuwo qas wada.

Laakiin waxaa lawada iibiyay tigidhada ciyaarta Talaadada ay la yeelanayaan Spain.

Haddii taageerayaasha Croatia ay sameeyaan dhib kale si dhakhso ah ayuu u dhaqangali doonaa ganaaxaasi.

Waa ganaaxii labaad ee ugu qaalisanaa waxaana ka badan midka Ruushka lagu ganaaxay todobaadkii hore oo dhan 150,000 oo Yuuro.