Inter Milan oo aad u danaynaysa Yaya Toure

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Yaya Toure waa mid ka mid ah ciyaaryahanada Afrikaanka ah ee magaca iyo saamaynta wayn ku yeeshay kubadda cagta Yurub

Naadiga Inter Milan ayaa ku cadcad in uu sixiixdo Yaya Toure oo ah ciyaaryahanka caan ah oo Manchester City u dheela koobab badana qaaday.

33 jirka reer Ivory Coast ee khadka dhexe ka dheela qandaraaskiisa Man City waxaa uga dhiman hal sano.

Kooxda City ayaa Yaya 24 milyan oo gini ka soo siisatay kooxda Barcelona oo uu laylinayay Guardiola sanadkii 2010-kii, Roberto Mancini oo hadda layliya kooxda Inter ayaana markaas macallin u noqday Toure oo ay City isla joogeen.

Wali wax heshiis ah ma dhicin, illo ayaana sheegaya in “50-50” ay tahay in heshiiskaasi uu qabsoomi doono.

Guardiola oo ah tababaraha cusub ee Man City ayaa dadaal ugu jira sidii uu dib ugu qaabayn lahaa kooxda.

Saadaalinta in Toure uu ka tagayo kooxda ayaa si xawli ah ku socota, Inkastoo Yaya uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo macallinka cusub.