Wales, Poland iyo Portugal oo badiyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Poland ayaa gool ku laadyo uga adkaatay Switzerland

Kooxaha Boortiqiiska, Wales iyo Poland ayaa guulo ka gaaray kulamadii Euro 2016-ka ee xalay iyo shalay la ciyaaray.

Poland oo la ciyaartay Switzerland waxay isla gaareen gool ku laadyo oo ay ugu soo bexeen wareegga rubuc-dhammaadka, kadib markii waqtiga dheeraadka ay kala adkaan waayen.

Boortaqiiska ayaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray uga adkaatay Croatia.

Halka Wales ay hal gool iyo eber ay ku garaacday kooxda uu xifaatanka ka dhexeeyo ee Northern Ireland.