Messi oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Messi

Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday in uu ka fariisanayo kulamada caalamiga ah ee uu dalkiisa u safto, kaddib markii uu khasaariyay gool ku laad, ciyaartii ay xalay fiinaalka Copa Amerika Chile uga qaaday Argentina.

Chile oo finaalkii kan ka horeeyay ka qaaday isla Argentina, ayaa waxaa ciyaartii xalay sida tii ka horeysay ay kusoo idlaatay rigoorooyin ama gool ku laad.

Argentina ayaa ku guuldaraysatay afar fiinaal oo ay gaartay sagaalkii sano ee lasoo dhaafay.

Messi, oo 29 jir ah, ayaa sheegay in uu dadaalay intii karankiisa ah, balse uu aad uga xun yahay inuu koobab ku guuleysan waayo.

Laacibkan ayaa naadiga uu u dheelo ee Barcelona waxa uu la qaaday 8 koob oo La Liga ah iyo 4 Champions Leagues ah.

Balse biladda keliya ee uu kulamada caalamiga ah ka haysto ayaa ah dahab la gudoonsiiyay ciyaarihii Olympiga ee sanadkii 2008.