Macallinka PSG oo booskiisa baneeyay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Saddex jeer ayuu horyaalnimada Faransiiska ku guulaystay

Laurent Blanc ayaa ka tagay shaqadii tababarenimada ee kooxda Paris St-Germain kaddib saddex sano oo uu macallin u ahaa kooxdaas horyaalka Faransiiska hayasta.

Blanc oo saxiixay qandaraas labo sano oo cusub bishii labaad ayaa u horseeday PSG in ay qaado koobka Ligue 1 saddexdii sano ee uu xilka hayay.

Waxaase saddexdaas sanaba lagu reebay wareega sideed dhamaadka ee koobka horyaalka Yrub.

Umai Emery oo macallin u ah kooxda Sevilla ayaa lala xiriiriyay booskaas banaan.

Emery oo 44 jir ah ayaa ku guulaystay koobka Europa League saddexdii sano ee uu tababarayay kooxdaas La Liga-ha ka tirsan.

Madaxwaynaha kooxdaas Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay in uu isbadal jiri doono bishan.