Nolito oo ku biiray kooxda Manchester City

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaaryahan Nolito oo ka tirsan xulka Spain oo ay la soo wareegtay kooxda Manchester City

Kooxda Manchester City ayaa la soo wareegtay laacibka weerarka uga dheela xulka Spain iyo kooxda Celta Vigo, Nolito, kaddib markii ay ogolaatay lacagta lagu qiimeeyay oo ah £13.8m.

Nolito oo 29 jir ah ayaa Manchester City u saxiixay qandaraas 4 sano ah, waxaana uu noqonayaa ciyaaryahankii saddexaad ee xaggaagan ay kooxdaasi lasoo wareegto.

Tababaraha cusub ee kooxdaasi, Pep Guardiola, ayaa horay ula soo wareegay Ilkay Gundogan, oo ka tirsanaa kooxda Borussia Dortmund, iyo Aaron Mooy oo khadka dhexe uga dheela Australia.

Nolito ayaa saftay dhammaan afartii kulan ee ay Spain ka dheeshay tartanka Euro 2016, ka hor inta aanu Talyaaniga reebin 16-kii bishan.