Yulia Stepanova oo ciyaaraha Rio ka qeybgalaysa

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yulia Stepanova, oradyahanad u dhalatay dalka Ruushka

Xiriirka Caalamiga ah ee Ciyaaraha Fudud ayaa waxa uu ogolaaday iskuday ay wadday ciyaaryahanadda Ruushka ee Yulia Stepanova, si ay ciyaaraha Olympic-ada ee Rio lagu qabanayo bisha soo socota ugu tartantano iyadoo madaxbanaan oo aanan dalkeeda matalayn.

Waa ciyaaryahannaddii ugu horreysay ee Ruush ah oo loo ogolaaday inay ka qeyb qaadato ciyaaraha Olypmic-ada maadaama Moscow laga mamnuucay ka qaybqaadashada ciyaaraha fudud, sababtuna ay tahay in lagu eedeeyay in ciyaartoydoodu aad u isticmaalaan dawooyinka kordhiya adkaysiga jidhka.

Xiriirka loo soo gaabiyo I-AA-F ayaa sheegay in codsiga ciyaaryahannadaasi ay ku dalbatay inay kaga qeybgasho ciyaaraha Olympic-ada ay tixgelin gaar ah siiyeen.

Stepanova ayaa waxa ay aheyd mid ka mid ah orodyahanada ugu sarreeya orodka 800 ee mitir ka hor inta aanan 2013 lagu helin inay qaadatay dawada jidhka xoojisa.