Wales oo gaartay nus-dhammaadka Euro 2016

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciyaartii xalay ayaa ka mid ahayd kuwa ugu wanaagsan ee ilaa hadda laga dheelay Euro 2016.

Xalay waxaa magaalada Lille cayaar xiiso leh oo ka tirsan koobka qaramada Yurub ay ku dhex martay xulalka Wales iyo Belgium.

Belgium ayaa goolka ku hor martay, waxaana daqiiqaddii 13-aad laad xoog leh oo uu ka soo laaday meel goolka 25 mitir u jirta shabaqa suray Radja Nainggolan.

Laakin daqiiqaddii 30-aad ayaa kubbad la soo karoosay waxaa madaxa la helay kabtanka Wales Ashley Williams oo goolhaye Courtois daba mariyey.

Qaybtii labaad markii la isu soo laatay ayuu Hal Robson-Kanu oo aan wax naadi ah iminka u cayaarin goolka labaad si aad u qurux badan uga dhaliyay Belgium, waxaana quusiyey oo cayaarta oo 5 daqiiqo ay ka harsan tahay u seddexeeyey Sam Vokes.

Wales ayaa sidaa ugu soo gudubtay nus dhammaadka ciyaaraha Euro markii ugu horreysay, ayadoo 6-da July la cayaari doonta boortaqiiska oo ka soo badiyey Poland.