Xulka Jarmalka oo reebay Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xulka Jarmalka ayaa u gudbay nus-dhammaadka Euro 2016.

Xalay magaalada Bordoex waxaa ka dhacday ciyaar xiisa badan oo loogu soo gudbayey semifiinalka koobka qaramada Yurub, waxaana isaga hor yimid Jarmalka iyo Talyaaniga.

Cayaarta labada kooxood ma kala dhicin oo ma jirin qolo aad loogu awood sheegtay inkastoo xagga dhismaha jirka la dareemayey in Talyaaniga looga fiicnaa.

Qaybtii labaad ayey goolasha caadiga ah ee cayaarta dhasheen.

Mesut Ozil ayaa daqiiqadii 65aad goolka Jarmalka u dhaliyey, laakin 13 daqiiqo ayuu Talyaanigu rigoore helay, waxaana u dhaliyey Leonardo Bonnuci, waxaana la isla gaaray rigoorayaal.

Koox kasta 9 rigoore ayey laadday maadaama min 5tii rigoore ee caadiga ahaa ay min 3 rigoore iska khasaariyeen.

Ugu dambayntiina Jarmalka ayaa 6-5 ugu soo gudbay semifiinalka.

Jarmalku wuxuu kulanka xiga la cayaari doonaa 7July Faransiiska iyo Iceland oo caawa ku wada cayaari doona garoonka Stade de France ee Saint Denis, Paris kii soo baxa.