France oo ku tumatay Iceland

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaaryahan Griezmann oo u dheela xulka Faransiiska

Xulka kubadda cagta ee Faransiiska ayaa 5 gool ku xaaqay kooxda aan sidaa loo aqoon balse ciyaaraha wanaagsan maalmahan dambe soo bandhigaysay ee Iceland.

Faransiiska ayaa maalinta Khamiista ah ee soo socota waxa uu nus dhammaadka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 kula dheeli doonaa magaalada Marseille xulka haysta koobka adduunka ee Jarmalka.

Natiijada ciyaarta ayaa noqotay mid ay dad badan ka la yaabeen kaddib markii qeybta hore ee ciyaarta ay Faransiisku u suuragashay in 4 gool ay dhaliyaan.

Olivier Giroud ayaa goolka u bilaabay xulka Faransiiska, waxaana xigay gool uu madaxa ku dhaliyay ciyaaryahan Paul Pogba, sidaana ay kula wareegeen maamulka ciyaarta.

Dimitri Payet ayaa sii raaciyay goolkii saddexaad, iyadoo goolka afraadna uu si qurux badan u dhaliyay ciyaaryahan Griezmann, balse qeybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayey Iceland dhaliyeen gool.

Hasayeeshee markale ayaa waxaa ku soo rogaalceliyay ciyaaryahan Giroud oo ka dhaliyay goolkii shanaad, balse inta aanay ciyaarta dhammaan ayey Iceland dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta.

Sidaana waxaa nus dhammaadka koobka Qaramada Yurub si fudud ugu gudbay xulka Faransiiska.